Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ka qeyb galay Bandhig dhaqameedka arday Soomaaliyeed+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ka qeyb galay Bandhig dhaqameedka arday Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ka qayb galay Bandhig Dhaqameed ay soo bandhigeen arday Soomaaliyeed oo wax kabarata mid ka mid ah Jaamacaha Kampala.

 

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

Bandhig dhaqameedkan oo aay soo bandhigeen arday Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadda CIU ee ku taala Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Uganda.

Uqeybsanaha Waxbarashada iyo Dhaqanka Safaaradda Axmed Saciid Yuusuf iyo Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa ardayda kala qeyb galay bandhigaas iyagoo ku ammaanay qaabka fiican ay usoo bandhigeen dhaqankeena suubaan ee Soomaaliyeed.

Uqeybsanaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Axmed Saciid Yuusuf oo warbaahinta isla goobta bandhig dhaqameedka ardayda kusoo bandhigayeen kula hadlay ayaa ammaanay sida ardayda Soomaalida usoo bandhigeen Dhaqakeena.

Bandhig dhaqameedkan oo dhowr wadan ardaydooda soo bandhigayeen dhaqankooda oo kala ahaa Uganda, Koofurta Sudan, Soomaaliya, iyo wadamo kale, iyadoona bandhigii ardayda Soomaalida ay noqdeen ardaydii ugu wanaagsanaa ee dhaqankooda soo bandhiga.

Sidoo kale ardayda ayaa soo bandhigay cunooyinka sida gaarka ah u leeyihiin Soomaalida ee aadka u macaan, iyadoo madaxdii cunada Soomaalida dhadhamisay ay sheegeen inaay tahay cunada Soomaalida mid aad u macaan.

Maxamed Cabdillaahu Cabdi (Qarash) iyo Xamda Cawad Raabi oo ka mid ahaa ardaydii sida wayn uga soo shaqeysay bandhig dhaqameedkan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay goobta ku soo bandhigeen wax yaabaha uu caanka ku yahay dhaqankeena suuban.

Ardayda Soomaalida ee jaamacaha dibadda wax ka barta ayaa inta badan kasoo dhex muuqada ardayda kale ee wax la bartaan, iyagoo soo bandhiga dhaqankeena suuban ee Soomaaliya.

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay shirka xasilinta dalka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay shirka xasilinta dalka “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay shirka xasilinta dalka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In