Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid Dabdamis

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid Dabdamis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid loogu tala galaya Dabdamiska degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda. Isagoo sheegay in Gaadiidkan ay kala wareegeen Midowga Yurub ka howlgeli doono degmooyinka Hodan iyo Wadajir oo laga hirgeliyey xarumaha gurmadka deg-degga ah.

Eng. Yarisow ayaa xusay in gaadiidkani ay ka kooban yihiin booyaha biyaha qaada iyo gaadiidka dab-damiska oo ah mid casri ah, waxuna tilmaamay in maamulkiisu uu mudnaan dhow siinayo sidii adeegyada dabdamisku u noqon lahaayeen kuwa dhameystiran oo dabooli kara baahida shacabka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Midowga Yurub oo maanta nagu wareejiyey gaadiid dabdamis oo agabkiisu u dhameystiran yahay, tanoo qeyb ka ah qorshaheena ku addan in degmooyinka Caasimaddu ay helaan adeegyada gurmadka, laguna bilaabayo labada degmo ee Hodan iyo Wadir oo xarumo laga furay”.

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Garrido Ruiz Fulgencio ayaa sheegay in mar walba diyaar u yihiin taageerada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana qalabkani ay ugu talagaleen in lagu caawiyo bulshada Caasimadda.

Previous Post

Wasiirka Shaqada Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Dardar-gelinta Barnaamijka Is-xilqaan

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka JFS “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka JFS “Sawirro”

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka JFS “Sawirro”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In