Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howl-gallo ka wado waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howl-gallo ka wado waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  (CXD)  ayaa howl-gallo lagu xaqiinayo amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxa ay ka sameeyeen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

 

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Howl-gallada oo qayb ka ah xaqiijinta halbeegyada tubta amniga iyo caddaaladda iyo qorshaha baacsiga kooxaha argagaxisada ah ayaa si nabad ah ku dhacay, waxaana deegaannadaas ku xeeran waddada dheer isaga cararay Maleeshiyaadkii Shabaab ee shacabka ku dhibaatayn jiray.

Ciidanka howl galka fuliyay oo qayb ka ah ciidamada loo qorsheeyay in ay shacabka ku dhaqan goballada Shabeellooyinka ay ka dul qaadaan cadawga, ayaa waxa ay saldhigyo waawayn ka samaysteen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow si looga hor tago dhibaata dambe oo loo gaysto gaadiidka iyo dadka safarka ah ee isaga goosha magaalooyinka.

Ciidanka oo wada howl-gallo is-daba joog ah oo lagu dardar-gelinayo qorshaha xasilinta dalka ayaa waxa ay maalmo ka hor  xoreeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u taagan bad-baadada dhiigga iyo hantida Shacabka ayaa sii wadaya baacsiga argagaxisada ilaa laga saaro deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Shir-gudoomiyey Shirka Tubta Arrimaha Cadaaladda

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo daah furtay tartanka Qandaraaska Raashinka Ciidamada Xoogga iyo Booliska

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda XFS oo daah furtay tartanka Qandaraaska Raashinka Ciidamada Xoogga iyo Booliska

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo daah furtay tartanka Qandaraaska Raashinka Ciidamada Xoogga iyo Booliska

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In