Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howl-gallo ka wado waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howl-gallo ka wado waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  (CXD)  ayaa howl-gallo lagu xaqiinayo amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxa ay ka sameeyeen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

Howl-gallada oo qayb ka ah xaqiijinta halbeegyada tubta amniga iyo caddaaladda iyo qorshaha baacsiga kooxaha argagaxisada ah ayaa si nabad ah ku dhacay, waxaana deegaannadaas ku xeeran waddada dheer isaga cararay Maleeshiyaadkii Shabaab ee shacabka ku dhibaatayn jiray.

Ciidanka howl galka fuliyay oo qayb ka ah ciidamada loo qorsheeyay in ay shacabka ku dhaqan goballada Shabeellooyinka ay ka dul qaadaan cadawga, ayaa waxa ay saldhigyo waawayn ka samaysteen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow si looga hor tago dhibaata dambe oo loo gaysto gaadiidka iyo dadka safarka ah ee isaga goosha magaalooyinka.

Ciidanka oo wada howl-gallo is-daba joog ah oo lagu dardar-gelinayo qorshaha xasilinta dalka ayaa waxa ay maalmo ka hor  xoreeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u taagan bad-baadada dhiigga iyo hantida Shacabka ayaa sii wadaya baacsiga argagaxisada ilaa laga saaro deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan.

Previous Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Shir-gudoomiyey Shirka Tubta Arrimaha Cadaaladda

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo daah furtay tartanka Qandaraaska Raashinka Ciidamada Xoogga iyo Booliska

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda XFS oo daah furtay tartanka Qandaraaska Raashinka Ciidamada Xoogga iyo Booliska

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo daah furtay tartanka Qandaraaska Raashinka Ciidamada Xoogga iyo Booliska

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In