Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb gelaya Shirka Wadatashiga Qaran ayaa caawa soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Madaxweyne K/xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan iyo bogaadin ugu istaagay boqollaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada Garoowe, kuwaas oo lulayey Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayey ereyo ay ku muujinayeen jacaylka ay u qabaan Dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, si loo helo wadashaqayn iyo iskaashi buuxa oo waxtar u leh Dowladnimada iyo horumarka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shirar wadatashi iyo is xog-waraysi ah oo ku aaddan horumarinta iyo xasilinta dalka la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha ee soo gaaray magaalada Garoowe waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow), Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
Previous Post

Xildhibaano cusub oo ku soo biiray Golaha Shacabka BJFS oo maanta la dhaariyay+Sawirro

Next Post

Maleeshiyada Al Shabaab oo bilaabay inay Afduubtaan carruurta ka yar 10-ka sano ee gobolada dhexe

Next Post
Somali Govt provides protection and safety to rescued 35 kidnapped children from terrorists group

Maleeshiyada Al Shabaab oo bilaabay inay Afduubtaan carruurta ka yar 10-ka sano ee gobolada dhexe

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ฐ๐ข๐ญ๐ณ๐ž๐ซ๐ฅ๐š๐ง๐

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In