Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo markale dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal ku xirnaa Liibiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo markale dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal ku xirnaa Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro tahriibayaal ah, kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

 

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Dhallinyarada oo gaaraya 14 qof waxa ay ka kala tahriibeen Muqdisho, Garowe, Hargeysa iyo Jigjiga,  iyagoo dhawr sano ku xirnaa Xabsiyo kuyaala dalka Liibiya, halkaasoo ay ku heysteen kooxaha Dadka qafaasha ee Magafayaasha ah.

Waxaana maanta Nasiib ay u yeesheen inay dib dalkooda ugusoo laabtaan kadib markii ay arintaas Dadaal wayn ugashay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Danjire Maryam Yaasiin oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Madaxda Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha, guddiga dib usoo celinta Tahriibayaasha ee Dowlada  iyo  Wakiilo matalayey hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM.

Qaar kamid ah dhallinyaradi soo noqday maanta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dib ugusoo laabashada dalkooda, iyagoo u mahadceliyey Madaxda Qaranka  iyo  Ambassador Maryan Yaasiin Doorkooda Ku aadan soo sii deyntooda. waxayna ka sheekeen dhibaatadii ay kalasoo kulmeen Dalka Libiya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhalinyaro tahriibayaal ah lagusoo celiyo Dalkooda hooyo, waxaana ka horeeyey dhalinyaradan kuwa  oo kale oo tahriibayaal ah kuwaasoo Dowlada Soomaaliya ay dadaal wayn ugashay sidii ay ugasoo sii deyn laheyd Xabsiyada Dalka Liibiya.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Hadlay Shirka Garowe Uga Socda Madaxda DFS iyo Madaxda Dawlad Gobaleedyada

Next Post

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In