Friday, October 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Shaqada iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 9, 2019
in Wararka
0
Wasiir Shaqada iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Saadiq Warfaa iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya u fadhiya ,Carlo Campanille ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay labo heshiis oo waa weyn.

 

Related posts

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

October 3, 2025
HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga maamulka socdaalka iyo xuduudaha*

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga maamulka socdaalka iyo xuduudaha*

October 2, 2025

Heshiisyada ayaa diirradda saaraya qorshaha ku aaddan horumarinta shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo shaqo abuurka 1,000 (kun) qoys ,iyadoo sidoo kale uu labada heshiis wax ka saxiixay madaxa horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Talyaaniga,Guglielmo Giordano.

“Maanta waxaan saxiixnay oo dowladda Talyaaniga naga caawisay labo milyan oo  euro oo ay dowladda Soomaaliya hirgalinayso in 1,000 qoys aanu meeleyn doono oo dadka liita ah.. 1,000 -ka qoys waxaan ka billaabi doonaa magaalada Muqdisho, kaddibna dalka oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waana qeybtii labaad ee hirgalinta ah”. ayuu yiri Wasiir Saadiq Warfaa.

Wasiir Warfaa, oo u mahadcelinayo dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska labaad  ay ku baxayso 750,000 euro oo loogu talagalay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dadka matala shaqaalaha.

“Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan, ugana mahadceliso dowladaha deeqaha bixiya sida ay noo garab-taaganyihiin ,waxaana ku dadaalli doonaa dadka nugul sidii loo caawin lahaa si ay fursado u helaan dabaqadda faqrigana kor uga kacaan – arrintaa oo annaga aad muhiim inoogu ah”. ayuu raaciyay Wasiir Saadiq Warfaa.

Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ambassador Carlo Campanille  ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’antahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, doorna ugu yeelan lahaayeen horumarinta bulshada.

Heshiisyadan ayaa ku soo aadday xilli Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Saadiq Warfaa  uu dadaal ku bixinayo horumarinta bulshada iyo in loo helo bulshada Soomaaliyeed shaqo abuur dalka ka suuragalin kara isbeddel bulsho.

Previous Post

Garoon diyaaradeed casri ah, ugana weyn adduunka oo Shiinaha meel-geba gebo u maraya dhismihiisa (War-bixin faah-faahsan)

Next Post

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

October 3, 2025
0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay kulan...

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga maamulka socdaalka iyo xuduudaha*

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga maamulka socdaalka iyo xuduudaha*

October 2, 2025
0

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo yeeshay booqasho qiimeyn ku saabsan Maamulka Xuduudaha, si sare loogu qaado Kaalinta Kaalmaynta Amniga iyo...

SoDMA oo daahfurtay mashruuca dib-u-dayactirka iyo dhismaha cusub ee Bakhaarka Dhexe ee Keydka Cuntada

SoDMA oo daahfurtay mashruuca dib-u-dayactirka iyo dhismaha cusub ee Bakhaarka Dhexe ee Keydka Cuntada

October 2, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray mashruuca dib-u-dayactirka...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

October 2, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In