Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Shaqada iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Shaqada iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Saadiq Warfaa iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya u fadhiya ,Carlo Campanille ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay labo heshiis oo waa weyn.

 

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Heshiisyada ayaa diirradda saaraya qorshaha ku aaddan horumarinta shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo shaqo abuurka 1,000 (kun) qoys ,iyadoo sidoo kale uu labada heshiis wax ka saxiixay madaxa horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Talyaaniga,Guglielmo Giordano.

“Maanta waxaan saxiixnay oo dowladda Talyaaniga naga caawisay labo milyan oo  euro oo ay dowladda Soomaaliya hirgalinayso in 1,000 qoys aanu meeleyn doono oo dadka liita ah.. 1,000 -ka qoys waxaan ka billaabi doonaa magaalada Muqdisho, kaddibna dalka oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waana qeybtii labaad ee hirgalinta ah”. ayuu yiri Wasiir Saadiq Warfaa.

Wasiir Warfaa, oo u mahadcelinayo dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska labaad  ay ku baxayso 750,000 euro oo loogu talagalay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dadka matala shaqaalaha.

“Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan, ugana mahadceliso dowladaha deeqaha bixiya sida ay noo garab-taaganyihiin ,waxaana ku dadaalli doonaa dadka nugul sidii loo caawin lahaa si ay fursado u helaan dabaqadda faqrigana kor uga kacaan – arrintaa oo annaga aad muhiim inoogu ah”. ayuu raaciyay Wasiir Saadiq Warfaa.

Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ambassador Carlo Campanille  ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’antahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, doorna ugu yeelan lahaayeen horumarinta bulshada.

Heshiisyadan ayaa ku soo aadday xilli Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Saadiq Warfaa  uu dadaal ku bixinayo horumarinta bulshada iyo in loo helo bulshada Soomaaliyeed shaqo abuur dalka ka suuragalin kara isbeddel bulsho.

Previous Post

Garoon diyaaradeed casri ah, ugana weyn adduunka oo Shiinaha meel-geba gebo u maraya dhismihiisa (War-bixin faah-faahsan)

Next Post

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In