Sunday, July 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 13, 2019
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sideedaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Hodan iyo Marka oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

ย 

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 26, 2025
Madaxweynaha JFS oo gaaray Dalka Djibouti

Madaxweynaha JFS oo gaaray Dalka Djibouti

July 26, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan iyo Marka ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Guddiga tartanka ayaa xaliyay cabasho ay qabeen tartamayaasha Degmada Marka, taasi oo ahayd su’aashii labaad ee tartanka oo ahayd su’aal xisaab ah ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada tartanka.

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย Afarย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย saddexย suโ€™aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay Marka, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Marka

Tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeenย laboย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย shanย suโ€™aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Hodan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Marka waxay noqotayย lixย (6) dhibcood.

Hadaba kulankiiย 8aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenkaย 9aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Previous Post

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Jaangoynta iyo Taya-dhowrka

Next Post

14 Maleeeshiyadda Al Shabaab oo xalay lagu dilay deegaanka Bariire

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo ku Wajahan Deegaanada Shabeellaha Hoose ay kaga harsanyihiin Argagixisadaโ€œSawirroโ€

14 Maleeeshiyadda Al Shabaab oo xalay lagu dilay deegaanka Bariire

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan Wadatashi ah la qaatay wax-garadka mid ka...

Madaxweynaha JFS oo gaaray Dalka Djibouti

Madaxweynaha JFS oo gaaray Dalka Djibouti

July 26, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

July 26, 2025
0

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‰๐…๐’ waxa uu ku faraxsan yahay qalinjabinta afar xubnood oo ka tirsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiiska...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

July 26, 2025
0

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota magaalada dhuusamareeb ee xarunta Doad goboleedka Galmudug Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa isu diiwaangelinaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In