Kormeerkan oo uu Guddoomiyaha Degmada Bulla-Burde ee Gobolka Hiiraan Cabdi-casiis Daahir Durow ku tagay Dhismayaasha Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Bulla Barrde ayaa waxa ay kala yihiin Dhismaha Xarunta Maamulka Degmada, Garoonka Ciyaaraha iyo Suuqa Hilibka iyo khudaarta.
Mashaarciidaan ayaa kamid ah Maashaariicii dhowr ah oo dhawaan Degmadaasi heshay,waxaa hergelinya Maamulka Degmada,iyagoo kaashana Maamul Goboleedka Hir-Shabelle iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Howlaha Mashaariicdaan ayaa intooda badan mara meel gabo-gabo ah,waxaana ay bilowdeen horaantii Sanadkaan.
Guddoomiyaha Degmada Bulla-Burde Cabdi-casiis Duuroow ayaa kormeerka ka dib waxaa uu sheegay in qorshhan uu yahay mid bilow ah,dadka deegaankana looga baahan yahay in ay ilaashadaan.
Qaar kamid ah Howl-wadeena Mashaariicdaan ayaa Maamulka u sheegay in si wanaagsan Bulshada gacan ugu geystaan dhismaha ay wadaan.
Mashaariicdaan laga wada Degmada Bulla-Burde waxaa maal-gelinya San-duuqa Xasilinta Soomaaliya SSF,waxaana fulinaya Maamulka Magaalada.
By Wariye Ibrahim Muxumad Geeddi Beled-weyne Hiiraan