Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tubta Toosan

Wasiirka Warfaafinta XFS & Masuuliyiin kale oo Booqday Fanaannadda Qaran ee Seynab Baxsan

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Tubta Toosan
0
Wasiirka Warfaafinta XFS & Masuuliyiin kale oo Booqday Fanaannadda Qaran ee Seynab Baxsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ay wehlinayeen Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta, Maareeye ku xigeenka iyo Xubno ka tirsan Hobollada Waaberi, ayaa waxay booqdeen Fanaannadda Qaran ee Seynab Xaaji Cali Siigaale (Baxsan) oo muddo xannuun dhinaca wadnaha ah kula jirta mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho.

 

Related posts

Dhageyso: Sheekh Bashiir oo khudbadii Jimcaha uga hadlay fadliga bishaan iyo dhalashada sanadka cudub ee Hijriga

Dhageyso: Sheekh Bashiir oo khudbadii Jimcaha uga hadlay fadliga bishaan iyo dhalashada sanadka cudub ee Hijriga

October 29, 2021
Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka qeyb galay kaltanka ololaha isxilqaan “SAWIRRO”

Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka qeyb galay kaltanka ololaha isxilqaan “SAWIRRO”

October 28, 2021

Qaar ka mid ah Ehellada Fanaannadda oo warbixin siinayay Wasiirka iyo Masuuliyiintii la socotay ayaa sheegay in xannuunkan uu muddo dheer hayo, cilladduna ay dhanka Wadnaha tahay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in Dhaqaatiirtu ay xaqiijiyeen in xaaladeeda aan waxba Dalka gudihiisa looga qaban karin.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in uu ka xun yahay xanuunka fanaannadan Qaran, waxa uu hoosta ka xariiqay in ay dadaal badan ku bixinayaan sidii Caafimaad dibedda ah loogu qaadi lahaa Seyban.

Seynab Xaaji Cali Baxsan oo hadda ah qof da’ ah waxaa lagu xusuustaa kaalintii ay Fanka Soomaaliyeed ku lahayd iyo taariikhdii dhinaca Suugaanta, Wasiir Maareeya ayaana muujiyey in daryeelka fanaanniintu uu yahay waajibaad saaran wasaaradda dowladda oo dhanna ay ka go’an tahay sidii looga dhabeyn lahaa wax u qabashada Baxsan iyo dadka la mid ahba.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga oo wada xaqiijiyay xoogganaanta xiriirka labada dal

Next Post

Wasaaradda Gargaarka Oo Tubta Arrimaha Bulshada u Bandhigtay Qorshaha Gurmadka Abaaraha “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Gargaarka Oo Tubta Arrimaha Bulshada u Bandhigtay Qorshaha Gurmadka Abaaraha “SAWIRRO”

Wasaaradda Gargaarka Oo Tubta Arrimaha Bulshada u Bandhigtay Qorshaha Gurmadka Abaaraha "SAWIRRO"

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 500 oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay...

Mas’uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

Mas’uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

August 12, 2026
0

Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, iyo maareeyayaashii hore ee soo maray Dekedda Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay janaasada...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Aqoonsiga Kolombiya ee Madax-bannaanida Israa’iil ee Buuraleyda Golan

August 12, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa go’aanka ay Dowladda Kolombiya ay ku aqoonsatay sheegashada Israa’iil ee ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In