Shaanxi waa mid kamida 33-ka gobal ee dalka Shiinaha, waxa uu 1,200 KM galbeed ka xigaa caasimada Beijing. Magaala madaxda gobalka oo ah Xi’an waxa joogta arday Soomaaliyeed oo darajada labaad ee waxbarasho ku diyaarineysa culuumta caafimaadka.
Habeen sabti ah 11-kii bishan May, 24-saac gudaheed oo aan booqasho u joogay maalada ayaa waxa aan la kulmay oo aan wareystay laba kamida in ka badan 30 arday oo dhigata Jaamacadaha magaalada Xi’an.
Ismacil Axmed Cumar, 29 jir ah iyo Cabdifitax Xasan Maqul oo 31 jir ayaa ila wadaagay waxyaabaha la xiriira noloshooda, waxbarashadooda iyo caqabadihii ay la kulmeen maalmihii hore ee dalkan ay ku cusboonaayeen.
“Waxa aan nimid Shiinaha 10-kii bishii September, 2017-dii. Waxa aan baraney oo aan ku baasnay barashada luuqada Shiinaha waxa loo yaqaan HSK1-4, waxa aan hadda ku jirnaa sannadkii 2-aad, waxa aan bartaa caafimaadka carruurta(Pediatrics) oo aan ka dhigto jaamacada Jiaotong qaybteeda caafimaadka”, Ismaciil ayaa sidaa yiri.
Wuxuu ardada geliyey laba qaanadood marka laga hadlayo deeqda waxbarasho ama lacag in ay ku dhigtaan iyo dalalka ay ka yimaadeen, waxa uuna sheegay in qaar ay iyaga iska bixiyaan ayna ka yimaadeen dalalka sida Canada, UK iyo Sweden iyo kuwa kale oo ka faa’ideysanaya deeqda waxbarasho ee dawladda Shiinaha siisay dawladda Soomaaliya.
“Aniga iyo saaxiibkey waxa aan 6-sano caafimaadka kasoo dhiganay Jaamacadda Benadir ee Muqdisho, nasiib wanaag waxa aan helnay fursadan waxbarasho, waxa naga go’an inaan ka dhabeyno riyadeena ah inaan dhaqatiir noqono, waxan qabnaa rajo weyn in aan dadkeena wax tari doono markaan ku laabano oo ay waxbarashadeena noo idlaato July 2021-ka”, ayuu raaciyey.
Cismaciil ayaa ii sheegay in ay aad ugaga mahad-celinayaan dawladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee uga yaboobahay fursadaas, waxa uuna ku tilmaamay fursad mar la hel ah oo dahabi ah oo ay ku sii wataan waxbarashooda.
Cabdifitax Xasan Maqul waxa uu bartaa‘Radiology’ takhasus la xiriira ‘Raajada’, balse arrinta cajiibka ah waa in Technology-yada ay wax ka badeshay fikirkiisa hore ee ahayd inuu barto ‘qaliinka’ waayo waxa uu indhaha saaray ‘Robots’ oo shaqadii qaliinka ah haya.
“Waxan rabay inaan barta ‘Qaliinka- Surgery’, balse waxa aan arkay kumbiyuutaro hayo shaqadaas oo aan suura-gal ahayn inaan ku dabaqo dalkii technology ahaan iyo qiima ahaan, waxa aan go’aansaday inaan bedelo fikirkaygii, waxana doortay inaan barto ‘Radiology’. Waan ku qanacsanahay waana danaynayaa cilmigan”, Sidaa waxaa yiri C/fitaax.
Wuxuu sheegay in laba maalin asbuuci ay ku qaataan baratiko cusbitaalka Jaamacada balse labada sano ee soo socota ay cusbitaal kuwada qaadan doonaan maalin walba.
C/fitax waxa uu la midoobay qoyskiisa kadib markii loo ogolaaday in uu la yimaado xaaskiisa iyo cannugiisa yar, waxa uu ahaa nin farax-san oo dhoola-cadeyn sheekada igula qaatay.
Caqabadaha
Ardada ayaa hoosta ka xariiqay in caqabada uga weyn ee ay la kulmeen ay ahayd ‘Luuqada, kadibna sawirka xun ee dadku ka haysta Soomaaliya iyo Basaborka oo marka ay bangiyada sarif uga baahdaan culeys kala kulmayey.
“Waxaan baranay sanad luuqada Shiinaha balse ma aanan baran eray bixinta cilmiga la xiriirta takhasuskeena darajada labaad, waxa ay ahayd caqabad oo wakhti kale qaadaneysa ama u baahan in lagu barto”, Cabdifitax ayaa sidaa yiri.
Waxa uu u rajeeyey in jiilka dambey lagu bari doono eray bixinta cilmiga inta ay ku jiraan sannadka barashada HSK4- (barashada iyo imtixaan fahamka luuqada Shiinaha ah)ee takhasuska labaad.
“Waan ka xumaanaa marka aan la kulano dad sawir qaldan ka haysta dalkeena sida, burcad-badeed, dagaal iyo waxa Baido App-ka shiinaha soo bandhigo. Weli tani dhib ayey nagu haysaa, mana garaneyno sida aan xal kama dambeys ah uga heli karno ama looga tir-tiri karo app-kaas fadlan”, labada ardayba sidaa ayey muujiyeen.
Balse waxa ay bogaadiyeen TV-ga CGTN sida uu sheekooyin wanaagsan uga soo tebiyo Africa iyo Soomaaliyaba, iyagoo tilmaamaya in TV-gaas uu yahay kanalka kaliya ee muujiya rajada iyo nolosha wanaagan ee Africa.
Waxa ay xuseen in arrinta Passport-ga ay la wadaagaan dawlada kale(in blacklist), waana marka ay sarif u baahdaan kaliya balse waxaa arrintaas ka caawiyo maamulada jaamacadaha ama ardada ajnabiga saaxibadooda ayaa ka xaliya sidaas waxa kula taliya mamulayasha bangiyada.
Ardadan ayaa sidoo kale ka codsaday safaarada Soomaaliya in adeegyada la xiriira cusboneysiinta Passport-ga iyo documents-kale ay si dhaqso uga helaan marka ay dalbadaan.
Uga dambeyntii ardada ayaa galad weyn u muujiyey sida ay dadka Shiinaha ay u caawiyaan inta ay joogaan halkaas, iyaga oo carabka ku adkeyey in taageradooda aysan ilaabi doonin ayna qalbiga ku hayn doonaan ebed.
Shiinaha ayaa siiyey 98 ardey deeq-waxbarasho sanadihii 2017 iyo 2018-ka iyadoo uu u marsiiyey dawlada Soomaaliya maadaama labada dawladood ay wadaagaayan xiriir saxibtinimo oo ku qotoma iskaashi iyo xushmad.
W/Q: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”
E-mail: [email protected]
Beijing-China