Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo horaantii bishan magaalada Muqdisho ku dilay wiil wade ka ahaa mooto bajaaj.
Maxkamaddu:
Markay Aragtay :ย Aayadda 178aad ee suuratul Baqara iyo Qod. 434,440 XCS oo lala akhriyo Qod. 195bis, 194 XCCQS.
Markay Aragtay :ย Qiraalka Eedaysaneย D/le Bol. 25226 Cali Maxโud Axmedย oo uu ka hor cadeeyay garsoorka hortiisa inย ย Marxuumka oo mooto Bajaaj wado uu ka soo gudbayย kontaroolka baaristaย sidaasna uu ku istaajiyay, kadibna uu ku amray in uu dhiibo furaha mootada oo uu wadaha ka ahaa Marxuumkaย marki uu ka diidayna uu isagoo ku cabsiinaayo qorayga uu hal xabad madaxa kaga dhuftay , isla xabidiina ay dhaawac u gaysatay qof kale.
Markay Dhagaysatay :ย Markhaatiyaashii la horkeenay maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay arkayeen marxuumka oo ka gudbaya kontaroolka kadibna uu istaajiyay eedaysanaha muran kadibna ay xabad ka dhacday qorayga uu watay eedaysanaha madaxana kaga dhacday marxuumka ,isla-markaana dhaawac u gaysatay qof kale oo shacab ah.
Markay Dhagaysatay :ย ย Gaba-gabada Gungaarka baarista Boliiska oo uu Baaraha Gal dacwadeedka ku cadeeyay in eedaysaneย ย Cali Maxโud Axmedย ย uu si bareer u dilay marxuumย C/risaaq Yuusuf Guure,ย dhaawacna u gaystay dhibaneย Cali Xaashi Mataan.
Markay Aragtay :ย Cadaymaha Dambi Muujinta ah oo la horkeenayย oo ay ka mid ahaayeen :- Cadaymaha laga qoray Maragga iyo dhibanaha dhaawaca ah, qiraalka laga qoray eedaysanaha,ย ย warqadda cadaynta dhimashada iyo sawirada marxuumka, mootadii uu wadaha ka ahaa marxuuumka, qorayga uu dilka ku gaystay eedaysanaha oo noociisu ahaa AK-103 No. 08096.
Markay Dhagaysatay :ย Doodii u dhaxaysay dhinacyada kala ah xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayayย eedaysanaha.
Maxkamadda ayaa ku heshayย Cali Maxamud Axmed in dil bareer ah 8-dii bishan igoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ugu gaystay Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade mooto bajaaj halka uu dhaawacay nin kale oo sarifle ahaa.
Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal iyo cadeemo ku aadan dilkaasi iyo sidoo kale hubkii uu dilku u adeegsaday askariga.
Sidaas Darteed, maxkamaddaย waxaa u caddaatay in eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Maxโud Axmed uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna Maxkamaddu ku xukuntay dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure.