Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho oo xalay booqasho ku tagey qaar kamid ah isgoysyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ayaa soo arkay howlgallo ay wadeen Ciidanka Amniga. Waxa uuna halkaas kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku caweynayay waddooyinka, kana wareystay xaaladdooda iyo sida uu yahay ammaanka degaanka.
Gudoomiyaha ayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidanka Amniga ka shaqeynaya.
“Dhalinyarada Caasimadda oo aan caawa la sheekeystay waxay igu farxadgeliyeen sida ay u jecelyihiin Madaxdooda iyo sida ay gacanta ugu siinayaan ciidanka amniga”.
Eng. Yariisoow ayaa ku adkeeyey bulshada ku nool Degmooyinka Gobolka Benaadir in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, maadaama ay u shaqeynayaan sidii cadowga baneystay dhiigga shacabka looga hortagi lahaa.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha amaanka dalka ayaa kormeer ku tagey xarunta 991 ee Booliiska, isagoo ku dhiirigeliyey howllaha muhiimka ah ee ay bulshadda u hayaan, gaar ahaan howlgalo ay shacabku ku soo wargeliyeen Booliska oo lagu soo qabtay dhagar-qabayaal ka tirsan argagixisada.
“Xarunta 991 ee Booliiska oo kormeerka ku tagnay waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay nabad-diid farabadan oo shacabka wax yeelo u geysan lahaa. Labo dhagarqabe oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynaayey la soo qabtay”.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siiyey isku xirka shacabka iyo ciidanka, iyadoo uu qeyb weyn ka qaadatay barnaamijka dariseynta oo bulshada isku xiray.