Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Yaaqshiid oo soo gaaray wareegga 4aad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa soo tiigsaday wareegga 3aad ee Tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Lix iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed kala hadlay adkeynta Madaxbanaanida dalkeenna

January 12, 2026
Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Yaaqshiid iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kaxda

Tartameyaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaxda ay heleen waxay noqotay  lix (6) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 26-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana ay ku biiri doontaa Degmooyinka Kismaayo iyo Dhahar oo horey u soo tiigsaday wareega afar dhamaadka ee tartanka.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Tubta Guud ee Gobalka Banaadir

Next Post

Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa soo tiigsaday wareegga 4aad ee tartanka

Next Post

Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa soo tiigsaday wareegga 4aad ee tartanka

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed kala hadlay adkeynta Madaxbanaanida dalkeenna

January 12, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Isniintii wadahadal laba geesood...

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal khadka taleefanka ah...

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a...

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In