Tuesday, February 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Diinta oo shaacisay in berri ay ciid tahay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo la dhaariyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan deegaanno hoostaga Gobollada Baay, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe laga arkay bisha Shawaal.

U qeybsanaha dhanka Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay u caddeynayaan in maalinta berito ah ay tahay maalinta koowaad ee ciidda kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen Culimaa’udiin iyo Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Hirshabeelle.

Related posts

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

February 9, 2026

Sheekh Cali Dheere  oo si toos ah Bulshada uga hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinta beri  ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isagoo xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimo Soomaaliyeed la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyeen, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed meelkast oo ay jogaan.

Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii ay la xiriireen culimaa’udiin kala duwan, laguna arkay meelo badan oo ay ka midtahay Bariire, isla markaana beri ay ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidda.

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya CIsmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta ay ku dhawaaqeyso in soonka uu dhamaday, isla markaana maalinta beri ah ay tahay maalin ciid ah.

Culimada ayaa shacabka u sheegay in salaadda ciida loo soo deg dego, isla markaana qofka Muslimka ah jidka uu ku yimaado Masjidka jid aan ahayn uu ku laabto, taasi oo ay ku tilmaameen in ay wadato ajir fara badan.

Previous Post

Duqa Muqdisho “Waxaa naga go’an in Waxbarashada Iskuulada Caasimaddu ay noqdaan kuwo tayo leh”

Next Post

Wasaaradda Shaqada oo ku dhawaaqday in shaqaalaha dowladda ay fasax yihiin munaasabadda ciidda awgeed

Next Post
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo la dhaariyey

Wasaaradda Shaqada oo ku dhawaaqday in shaqaalaha dowladda ay fasax yihiin munaasabadda ciidda awgeed

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 9, 2026
0

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund – GCF) iyo Ansixinta Qiimaynta Baahiyaha Diyaargarowga Soomaaliya (Readiness Needs...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

February 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

February 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

February 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In