| Gudoomiye ku xigeenka maaliyada iyo siyaasada ย Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya arimaha Maamulka Maaliyada gobolka iyo isbadalada ku yimid mudadii uu haayay xilka.
Gudoomiyaha ayaaย Sheegey in dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ee laga soo aruuriyo labada gobol ee Hiiraan iyo shabeellaha dhaxe la mideeyay isla markaana ay ku dhici doonto qasnada guud ee maaliyada maamulka Hirshabeelle, taa oo dib loogu celin doono bulshada degan goboladaasi gaar ahaan adeegyada Cafimaadka, Waxbarashada ย Iyo ย dib u dhiska Waddooyinka. Xasan Ibraahim Cabdulle gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyada ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qorsheynayaan in ay soo celiyaan isticmaalka lacagtii Shilling Soomaaliga aheyd oo Muddooyinkii dambe ay dhibaato weyn ku qabeen bulshada gobolka Hiiraan, kadib markii ganacsatada ay diideen in ay qaataan lacagahaasi. Ugu dambeyntii waxaa uu bulshada gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga iyo ciidamada ilaalada canshuuraha isla markaana ay garab istaagaan maamulka gobolka heer dagmo iyo heer gobol si loo gaaro horumar iyo nabadgalyo. |
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐๐ก๐ Q๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฒ๐ฌ๐ก๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Olalaha Qaran ee Tallaalka Ciribtirka Cudurka Dabaysha, ayaa...










