Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda oo Dhiirri Gelinaysa Wax Soo Saarka Gudaha Iyo Bed-qabka Cunnada+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo maanta ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee bed-qabka Cunnada oo markii ugu horreysay sannadkaan laga xusay dunida ayaa sheegay in caafimaad qabka bulshadu uu ku xiran yahay quudashada cunta bed-qabta.

Munaasabadda oo inta ay socotay lagu soo bandhigay qaabka ugu haboon ee looga shaqeyn karo badbaadada cuntada laguna horumarin karo wax soo saarka dalka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasmiaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdullaahi Xaashi Cali wuxuuna tilmaamay in qatarta ugu badan ay ka timaado cuntooyinka banaanada lagu gado oo laga dhaxlo cuduro kala duwan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Soomaaliya ay xubin ka noqotay shabakadda caalamiga ah ee bad baadada cuntada, isagoo dhinaca kale xusay in wasaaraddu ay wado qorshe ah in ciidamada Qaranka ay quutaan raashinka dalka kasoo baxa oo ka tayo badan tan dibadda laga keeno.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in ay dowladdu dhiirri gelinayso sare u qaadidda wax soo saarka dalka iyo quudashada dalagga ka baxa beeraha dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ku baaqay in bulshada lagu tababaro laguna wacyi geliyo beerashada iyo dheefsiga cunnada gudaha oo qayb wanaagsan ka qaadanaya kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo hagaajinta caafimaadka bulshada, sidoo kalana looga maarmayo cunnada dalka dibaddiisa laga soo dhoofiyo ee aan la hubin tayadooda iyo bed-qabkooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay sharciga Hay’adda dhowrista tayada iyo Sharciga dawada oo dhammaan qayb ka qaadanaya bed-qabka cunnada dalka.

Previous Post

Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in la mideeyay canshuuraha deegaanada Hirshabeelle.

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Muqdisho uga qeyb galay xuska Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga+ Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Muqdisho uga qeyb galay xuska Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga+ Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In