Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soo bandhigidda  Dhibaatooyinka laga dhaxlo dikhowga hawada, xaalufinta dhirta  iyo sida ugu haboon ee looga shaqeyn karo ilaalinta deegaanka ayey ku saabsaneyd munaasabadan oo lagu xusayey maalinta deegaanka oo dunida oo dhan looga dabaal dago.

Munaasabada oo ay soo qaban qaabiyeen Agaasinka bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb  galay Wasiirka Dekedaha, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Axmed Yuusuf Axmed Agaasimaha Guud ee bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda  ay leedahay xuska maalinta deegaanka, isagoo dhinaca kale xusay in ay diyaariyeen sharciyo kala duwan oo looga hortagayo nabaad guurka iyo xaalufinta dhirta.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa xusay muhiimada  ay leedahay ilaalinta deegaanka, Wuxuuna ku baaqay in la keeno sharci lagu ciqaabayo qof walba oo dhibaateeya deegaanka.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS  Marwo Maryan Aweys Jaamac oo munaasabadda soo xirtay ayaa sheegtay in bulshada looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaateenta deegaanka oo laga dhaxlo abaaro iyo cuduro kala duwan .

Ugu dambeyn waxaa Munasabada Shahaadooyin la gudoonsiiyey shirkado iyo shaqsiyaad gacan ka geystay ilaalinta deegaanka, iyadoo dhinaca kale masuuliyiintu ay dhir beeris ka sameeyeen goobo kala duwan.

Previous Post

Wasiirka shaqada iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Norway

Next Post

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Norway

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In