Monday, November 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1aad marsiiyay Sharciga Iibka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka guuud ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa ugu horeyn looga hadlayay Akhrinta koowaad ee wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaannadana horey loogu qeybiyay, waxaana Golaha u akhriyay Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Maadaamaa sida xeer hoosaadka Golaha uu qabo in marka sharciga uu marayo akhrinta koowaad aanu Xildhibaannada uga furneyn wax dood ah, ayay Xildhibaanadu qaar xubnaha Wasaaradda Maaliyadda su’aalo ka weydiiyeen wax ka bedelka sharcigan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025

Sidoo kale xubnaha Golaha Shacabka ayaa maanta loo qeybiyay sharciga dhismaha Guddiga Madax Banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka soo xiray ayaa ka hadlay muhiimada sharciga Iibka Qaranka uu dalka u leeyahay, sidoo kalena waxaa uu tilmaamay in sharci walba oo sameysmaya hadii wax ka bedel lagu sameynayo ay tahay marka hore in Golaha la marsiiyo, waxaana uu faray  in sharcigan lagu wareejiyo Guddiga ku shaqada leh, isagoo kaashanaya Wasaaradda ay dib Golaha ugu soo celiyaan si looga dooodo.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska XFS oo shirka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ka furay Garoowe+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Turkiga uga qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Turkiga uga qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Turkiga uga qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu oo noqdo  Ergeyga...

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In