Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1aad marsiiyay Sharciga Iibka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka guuud ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa ugu horeyn looga hadlayay Akhrinta koowaad ee wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaannadana horey loogu qeybiyay, waxaana Golaha u akhriyay Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Maadaamaa sida xeer hoosaadka Golaha uu qabo in marka sharciga uu marayo akhrinta koowaad aanu Xildhibaannada uga furneyn wax dood ah, ayay Xildhibaanadu qaar xubnaha Wasaaradda Maaliyadda su’aalo ka weydiiyeen wax ka bedelka sharcigan.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Sidoo kale xubnaha Golaha Shacabka ayaa maanta loo qeybiyay sharciga dhismaha Guddiga Madax Banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka soo xiray ayaa ka hadlay muhiimada sharciga Iibka Qaranka uu dalka u leeyahay, sidoo kalena waxaa uu tilmaamay in sharci walba oo sameysmaya hadii wax ka bedel lagu sameynayo ay tahay marka hore in Golaha la marsiiyo, waxaana uu faray  in sharcigan lagu wareejiyo Guddiga ku shaqada leh, isagoo kaashanaya Wasaaradda ay dib Golaha ugu soo celiyaan si looga dooodo.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska XFS oo shirka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ka furay Garoowe+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Turkiga uga qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Turkiga uga qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Turkiga uga qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka "SAWIRRO"

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In