Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Xoghayaha joogtada ah Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, Agaasinka kala duwan iyo khubarrada Wasaaradda Qorsheynta DFS ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka,Agaasime ku xigeenka iyo la taliyeyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa labada dhinac ayay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ku soo bandhigtay warbaxin ku aaddan geeddi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad, kobaca dhaqaalaha dalka, xogaha, dabagalka iyo Kormeerka mashaariicda iyo howlaha baaxadda leh ee Wasaaraddu waddo xiligan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa bogaadiyay heerka ay joogto wasaaradda qorsheynta iyo howlaha baaxadda leh oo ay waddo, wuxuuna bogaadiyay hoggaaminta Wasiirka, Xoghayaha  joogtada ah ee wasaaradda iyo dhalinyarada aqoonyahannada ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Amb. Jamaal Maxamed Xasan ayaa sharraxaad ka siiyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo la taliyeyaasha madaxwaynaha maashriicda dalka ka socota, marxaladaha ay marayaan iyo howlaha adag ee wasaaraddu ka hayso dhinacaasi.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa isagana sawir guud ka bixiyay wada-tashiga wareegga koowaad ee QHQ-9aad iyo sida ay u dhaceen dhammaan wada-tashiyadii ay wasaaraddu samaysay, waxuuna la wadaagay sadaxda ahmiyadood ee ka soo baxay wareegga koowaad  ee kala ahaa Kobaca Dhaqaalaha, Siyaasada loo dhan-yahay iyo Amniga iyo sareynta Sharciga.

Masuuliyinta iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka oo si wanaagsan ula dhacay shaqada baaxadda leh  ee dalka ka socota taasoo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Qorsheynta isla markaana talooyin dhaxal gal ah la qeybsaday wasaaradda.

Gunaanadka kulanka ayaa la go’aamiyay in la sameeyo kulamo joogta ee labada dhinac si loo dar-dar galiyo shaqooyinka muhiimadda leh ee dalka ka socda kuwaasoo ay hormuud u tahay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

W/Q: Cabdirashid Nuur Ibraahim

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Garsoorka Puntland+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo Magaalada Xeraale

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo Magaalada Xeraale

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo Magaalada Xeraale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In