Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdisho.

Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta ka xarriiqay in waddanku uu hadda cagta saaray dhabbaha xasilloonida iyo horumarka.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso saaxiibtinnimada ay dalalka caalamka la leedahay isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya inta ay dowladdu garab ka helayso shacabka Soomaaliyeed ee adkaygsiga badan iyo saaxiibbada caalamka.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa marti sharafta uga warbixiyay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar waara isaga oo la wadaagay siyaasadaha hor-tabinta u leh dowladda ee dhinacyada amniga, hannaanka maaliyadda iyo siyaasadda loo dhan yahay.

“Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay. Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.”

Madaxweynaha ayaa dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay guud ahaan Beesha Caalamka.

Munaasabadda casho sharafta waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murshal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhallinyaro Kula Kulmay magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Carruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen oo laga soo furtay gobolka Sh/dhexe

Next Post
Horjooge Ajinebi ah oo lagu dilay Hiiraan.

Carruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen oo laga soo furtay gobolka Sh/dhexe

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

February 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay howlwadeennada iyo shaqaalaha Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In