Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qorshaha Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ay kaga Hawl-galayso Soomaaliya 2019-2021 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 8, 2019
in Wararka
0
Qorshaha Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ay kaga Hawl-galayso Soomaaliya 2019-2021 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo Isniin ah, hay’adda IOM waxa ay daah-furaysaa qorshaheeda istiraatiijiyadda ee ay ka howgaleyso gudaha Soomaaliya (IOM Somaliya Mission Strategy)  muddada 2019-2021ka, iyada oo ay kala shaqeynayso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya. Waxa kale oo daah-furkan ka soo qeyb-galay qeybaha kale ee daneeyeyaasha dawladda, kuwo heer Faderaal iyo mid maamul goballeed ba.

Hay’adda IOM, waxa ay ku faraxsan tahay in ay soo bandhigto qorshaheeda oo ah mid waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladda Faderaalka Soomaaliya. Qorshahani, waxa uu diiradda saarayaa baahiyaha dalku u baahan yahay iyo sida IOM ay wax uga qabaneyso iyada oo ku saleynaysa howlahii waxtarka lahaa ee ay ka qabatay Soomaaliya laga soo bilaabo illaa 2006dii, waxaana ay hay’addu ka shaqeysaa dhammaan Dowlad goboleedyada oo dhan iyo gobolka Benaadir ee Soomaaliya oo ay u joogaan in ka badan 400 howlwadeen ah.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Intii uu shirka socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan wuxuu yiri “IOM waxa ay nala wadaagtay qorshahooda ku aadan dhaqan galinta istraatiijiyadda ay dalka ugu shaqeynayaan taas oo waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka, Wasaaradduna waxa ay xoogga saareysaa sidii ay IOM ugala shaqeyn laheyd fulinta qorshahooda cusub oo soconaya seddexda sano ay nagu soo aadan.

Qorshaha IOM, waxa uu ka kooban yahay saddex tiir oo waaweyn kuwaas oo kala ah gargaarka bani-Aadamtinnimo (Humanitarian Response), dib u soo kabashada iyo  helidda xal-waara (Recovery and Durable Solutions) iyo arimaha tahriibka iyo horumarinta (Migration Governance and Development).

Tiirka 1aad.

Gargaarka bani-Aadamtinnimo waa mid lagu badbaadinayo nafta dadka aafoyinka iyo dhibbaatooyinku haleeleen, waxaana ay hay’adda IOM ay diiradda saaraysaa siddii dadkaas looggu fidin lahaa gargaar bani-Aadamtinimmo oo deg deg ah.

Tiirka 2aad .

Soo kabashada iyo  helidd xal-waara, tan macnaheedu waxa weeyaan in hay’adda IOM ay sameyn doonto in dadkii gargaarka bani-aadamnimo loo fidiyey loo qaban doono waxyaabo xal u noqda jiritaankooda nololeed ee muddo dheer taas oo laga sameyn doono dhammaan Dowlad gobolleedyada, barakacayaasha dalka dhexdiisa iyo weli ba dadka dalka dib ugu soo noqdey

Tiirka 3aad.

Arimaha tahriibka iyo horumarinta oo ah tiirka saddexaad, waxa uu ka hadlayaa siddii hay’adaha dawladda loogala shaqeyn lahaa kor-u-qaadidda adeegyada loo qabanayo bulshada iyo siddii loo xoojin lahaa dawladnimada iyo horumarka.dhanka tahriibka.

Haddaba, si qorshahan loo hir-geliyo sannaddada soo socda, waxay IOM xoojinaysaa balan-qaadkeedii ahaa in ay si dhow u la shaqeyso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Wasaaradaha Xukuumadda iyo Dawlad gobolleedyada..

Madaxa ugu sarreeya hay’adda IOM Dyne Epstein, waxay dawladda Somaliya uga mahad-celinaysaa wada-shaqeynta dhow ee sanadaddii hore ay la sameysay IOM, sida oo kale waxa ay hay’addu rajeynaysaa in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan oo dhan si hore looggu socdo.

Ms. Epstein oo hadalkeeda sii wadata, waxay tidhi: “ Si loo helo Soomaaliya xasiloon, waxay IOM balan-qaadeysaa in si xooggan ay uga shaqeynayso, Dalku wuxuu soo celiyay rejada iyo kobcinta khayraadka, waxaana aan ku faraxsanahay in aanu qeyb ahaano nidaamkaa socda.”

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In