Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Ku-xiggeenka XFS oo Guddoomiyey shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Ku-xiggeenka XFS oo Guddoomiyey shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirka oo ay ka qeyb galeen dhammaan wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana warbixinno looga dhagaystay wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga.

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirka kusoo bandhigtay heerka uu soo gaaray qorshaha daynta looga cafinayo dalka (SMP4).

Warbixin la xariirta iskaashiga ganacsi ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale laga dhagaystay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Intii uu shirku socday ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay guddi loo xil saaray heshiiska cusub ee dowladdu la gashay shirkadda Al-bayrak ee maamusha dekadda magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn lagu soo bandhigay warbixin guud oo looga hadlay tubta horumarinta dhaqaalaha iyo sida ay u socdaan halbeegyada guud ee sannadkaan qorshuhu ahaa in tubtu ay fuliso.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

Turbta horumarinta dhaqaalaha ayaa qayb ka ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka qaranka si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

R/Wasaare Kheyre “Hadii dadkeenna dalkaan usoo dhibaatoobay oo xirriyadda nagu wareejiyay aanan qiimeyn macnaheedu waxa ay tahay in dalka aanan qiimeyn”

Next Post

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka aan Caadi ahayn ee Midowga Afrika “Sawirro”

Next Post
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka aan Caadi ahayn ee Midowga Afrika “Sawirro”

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka aan Caadi ahayn ee Midowga Afrika “Sawirro”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In