Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Ku-xiggeenka XFS oo Guddoomiyey shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 9, 2019
in Wararka
0
R/wasaare Ku-xiggeenka XFS oo Guddoomiyey shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha.

 

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Shirka oo ay ka qeyb galeen dhammaan wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana warbixinno looga dhagaystay wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga.

 

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirka kusoo bandhigtay heerka uu soo gaaray qorshaha daynta looga cafinayo dalka (SMP4).

Warbixin la xariirta iskaashiga ganacsi ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale laga dhagaystay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Intii uu shirku socday ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay guddi loo xil saaray heshiiska cusub ee dowladdu la gashay shirkadda Al-bayrak ee maamusha dekadda magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn lagu soo bandhigay warbixin guud oo looga hadlay tubta horumarinta dhaqaalaha iyo sida ay u socdaan halbeegyada guud ee sannadkaan qorshuhu ahaa in tubtu ay fuliso.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

Turbta horumarinta dhaqaalaha ayaa qayb ka ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka qaranka si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

R/Wasaare Kheyre “Hadii dadkeenna dalkaan usoo dhibaatoobay oo xirriyadda nagu wareejiyay aanan qiimeyn macnaheedu waxa ay tahay in dalka aanan qiimeyn”

Next Post

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka aan Caadi ahayn ee Midowga Afrika “Sawirro”

Next Post
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka aan Caadi ahayn ee Midowga Afrika “Sawirro”

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka aan Caadi ahayn ee Midowga Afrika “Sawirro”

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In