Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka aan Caadi ahayn ee Midowga Afrika “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb galay Shirka aan Caadi ahayn ee Midowga Afrika “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii Ururka Midowga Afrika ee aan Caaadiga ahayn ee ku saabsanaa siddii loo dhaqangelin lahaa Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika, ee la saxiixay sanadkii 2018, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Naimey ee dalka Niger.

Shirkan oo uu Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ku matalayay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kale oo looga hadlay arrimo badan oo ay wajahaysa qaaradda iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda, ka hortagga tahriibka, colaadaha ka socda meelo kamid ah qaaradda iyo sidii loo hormarin ajendaha 2063.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caddeeyay kaalinta ay Soomaaliya ka qaadaneyso horumarka Afrika iyo sidii ay qayb uga noqon lahayd ganacsiga xorta ah iyo in la helo hab lagula tartamo dunida.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay kamid tahay dalalkii aasaasay Ururka Midowga Afrika, muhiimad weynna ay u leedahay in la helo ganacsi xor ah oo ah mid fursado maalgashi u furaya ganacsatada Soomaaliyeed oo ku baahsan daafaha Qaaradda Afrika.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay horumarka Soomaaliya ay gaartay sanadihii u dambeeyay ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgelyada iyo in madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah isaga oo ku boorriyay Madaxda Qaaradda in Soomaaliya ay ka fileyso in ay ixtiraamaan madaxbannaanideeda.

Wasiirka ayaa shir doceedyo la yeeshay Madaxda, Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo wakiillada dalalka Masar, Itoobiya, Koonfur Afrika, Mauritania, Morooko, Liberia, Uganda, Nigeria, Gambia, Jabuuti, Seychelles, Equatorial Guinea iyo dalal kale.

Previous Post

R/wasaare Ku-xiggeenka XFS oo Guddoomiyey shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha “Sawirro”

Next Post

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda oo Beeniyey Warar sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda ICJ.

Next Post
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda oo Beeniyey Warar sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda  ICJ.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda oo Beeniyey Warar sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda ICJ.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In