Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Kismaayo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii shalay gelinkii dambe kooxda argagixisada Al-Shabaab ka geysteen Hotel ku yaalo magaalada Muqdisho,halkaasi oo toboneeyo qof oo shacab ah waxbana galabn lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.

Ambassador Francisco Madeira,ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha ay waxyeelada ka soo gaartay weerarka naxariis darada ah,isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay iney si dhaqsi ah u bogsadaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Weerarkan ayuu ku micneeyay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mid la doonayo in dib loogu dhigo horumarka iyo dib u dhiska dalka,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu sii xoojinayo guulaha laga gaaray nabada iyo xasiloonida dalka.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka sameysay sidii ay u qabsan lahayd dhul baaxad weyn,waxayna argagixisada ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah. Ciidamada AMISOM waxay sii wadi doonaan inay taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyaga oo sii amba-qaadaya xoreynta deegaanada ku harsan gacanta kooxaha nabad diidka ah,” ayuu yiri Amb: Francisco Madeira.

Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa si micno daro ah ku daadiya dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan iyo shaqsiyaadka wax galka u ah Bulshada.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo muwaaddin Soomaaliyeed u soo celiyay Guri laga haystay muddo dheer+ Sawirro

Next Post

Golaha shacabka oo Akhrinta labaad marsiiyay labo sharci oo muhiim ah+Sawirro

Next Post
Golaha shacabka oo Akhrinta labaad marsiiyay labo sharci oo muhiim ah+Sawirro

Golaha shacabka oo Akhrinta labaad marsiiyay labo sharci oo muhiim ah+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In