Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Tamarta oo kulamo muhiim ah la yeelatay madax ka socotay IOM iyo IGAD

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta oo beenisay Warqad been abuur ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir Hilaal.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Wefdi ka socda hey’adda IOM iyo urur goboleedka IGAD, waxayna ka wada hadleen fulinta mashaariic lagu dhisayo xarumaha Wasaaradda.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa kulan ku yeeshay xafiiska Wasiirka Marwo Fowzia Maxamed Sheekh, ayagoo ka wada arinsaday hirgelinta mashaariic lagu dayactirayo xarumaha Wasaaradda Tamarta oo deegaameysan doonta xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha Xamar ee Degmada Wadajir.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

September 12, 2026

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

September 12, 2026

Hey’adda socdaalka Aduunka ee IOM ayaa Wasaaradda ka taageertay dhismaha xarunta sheybaarka biyaha iyo goobo kale, waxaana kulankii maanta si gaar ah looga hadlay dhismaha xarunta Wasaaradda, kaas oo dhowaan bilaaban doona sida uu qorshuhu yahay.

Dhaqaalaha ku baxa mashaariicdan ayaa waxaa bixinaya Bankiga Horumarinta Afrika iyo Urur goboleedka IGAD, iyadoo Hey’adda socdaalka Aduunka ee IOM ay fulinta ka gacan siinayso Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim, qaar kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka kala soctay hey’adda IOM iyo IGAD.

 

Previous Post

Wasiir Bayle oo kormeeray dhismayaasha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor iyo Guutada...

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya....

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In