Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 15, 2019
in Wararka
0
Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe uga furay shir weynaha madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin Dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada qeybta ka ah Federaalka.

Shirka waxaa ka qeybgalaya dhammaan Wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo xubno matalaya hay’adaha dowlad-gobolleedyada iyo Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Jaamac Faarax Muuse , Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo ciyaaradaha Puntland ayaa furitaankii shirka ka sheegay inay Puntland soo dhaweynayso martigalinta shirkan oo uu ku tilmaamay mid muhiimad u leh horumarinta iyo shaqaaleysiinta, waxaa kaloo uu caddeeyay Puntland inay qeyb ka tahay dowladda Federaalka ayna diyaar u tahay in la wada-hadlo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in shaqo abuur Qaran loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed, si taas loo gaaranaya ay muhiim tahay wada-shaqeyn dhex marta dowlad-gobolleedyada iyo Dowladda Federaalka.

“Waxaa na hor taalla shaqo ballaaran oo ah sidii aan dhallinyaradeena shaqo ugu abuuri lahayn, barnaamijkan madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, wuxuu u gogol xaaraya sidii lagu gaari lahaa shaqo abuur Qaran.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa oo marka caddeeyay bulshada Soomaaliyeed inay shirkan ka sugeyso si wadajir ah in looga soo saaro sidii loo abuuri lahaa siyaasadda shaqo ee dalka.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalin ah ayaa gabagabadiisa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro qorshe qeexaya mustaqbalka shaqo iyo inay shaqo abuur helaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Tamarta oo kulamo muhiim ah la yeelatay madax ka socotay IOM iyo IGAD

Next Post

Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Next Post
Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In