Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka warfaafinta oo kormeer shaqo ku tagey Tiyaatarka Qaranka+(Swirro))

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 22, 2019
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta oo kormeer shaqo ku tagey Tiyaatarka Qaranka+(Swirro))
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Golaha murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dayactir iyo dib u dhis ah.

Mudane; Maareeye, oo uu booqashadiisa ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Maareeyaha Xarunta Golaha Murtida iyo Mada-daalada Qaranka Maxamed Abuukar Ma’da ayaa waxay la kulmeen Injineerrada dhisaya Tiyaatarka iyo Kooxda Is- xilqaan ee howlaha mutadawacnimada halkaasi ka wadday.

Related posts

Kumaandooska Danab oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Kumaandooska Danab oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

July 19, 2025
Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025

Labada Wasiir waxay aad u amaaneen howsha gebagebada maraysa ee Tiyaatarka ka socota, waxanay ballan qaadeen in ay diyaariyaan wixii dhinaca Dowladda ku dhiman.

“Waxaan la kulannay Kooxda is-xil qaan iyo Injineerrada mas’uulka ka ah dhismaha Tiyaatarka, waxannu aniga iyo Wasiirku kala hadalnay heerka uu marayo dhismaha Tiyaartarka iyo waxyaabaha ka dhiman shaqada halkan ka socota, war bixin fiican bay na siiyeen,kormeer baan ku sameynay qaabka uu dhismuhu u socdo, oo runtii raja badan na gelisay, ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in 80% ay dhamaatay shaqadii halkaasi ka socotay, sharafna ay u tahay Dadka Soomaaliyeed in ay is-xilqaan wax ku qabsan karaan.

Wuxuuna taabba gelinta howshan ku ammaanay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo hormuud ka ahaa barnaamijka is-xilqaan.

Previous Post

Shirka Madasha Wadajir Hannaanka Qaran ee dowladaha hoose oo maalintii labaad galay “Sawirro”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tababar u furay Ciidamada Xoogga ee dhawaan laga qaremeeyay Deegaannada Galmudug”Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tababar u furay Ciidamada Xoogga ee dhawaan laga qaremeeyay Deegaannada Galmudug”Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tababar u furay Ciidamada Xoogga ee dhawaan laga qaremeeyay Deegaannada Galmudug”Sawirro”

Kumaandooska Danab oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Kumaandooska Danab oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

July 19, 2025
0

Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa maanta fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Harboole ee...

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In