Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda iyo dowlad gobaleedyada dalka ayaa maanta socdaal dheer ku dhex maray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa intii uu socdaalka ku dhex marayay magaalada waxa uu booqday xarumo ganacsi halkaas oo uu kusoo arkay horumarka dhanka ganacsiga ah ee magaalada ka jira iyo sida wadajirka ah ee bulshadu isaga kaashadeen amniga magaalada.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa bulshada, maamulka Baydhabo iyo guud ahaan hoggaanka dowlad gobaleedka koonfur Galbeed ku amaanay dowlad jaceylka, soo dhaweynta ballaaran iyo wadajirka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay soo agaasintay waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.