Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee dhawaan ay magacaawday waraaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta oo socdaal ku maraya deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta waxa ay gaareen deegaanka Huurshe.

Hoggaamiyaasha Culumaa’udiinka iyo Bulshada Deegaanka Huurshe ayaa si diiran u soo dhaweeyey xubnaha guddiga oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Guddiga ayaa reer Huurshe uga mahad celiyey soo dhaweynta diiran iyo marti-gelinta weyn, waxa uuna u bandhigay qorshaha iyo Casuumaadda shir-weynaha dib-u heshiisiinta Galmudug ee gogoshiisu ka fidsantahay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb.

Culimada, Madaxda Dhaqanka iyo Bulshada Huurshe ayaa balanqaaday in ay kasoo qeyb gelayaan shir-waynaha, gacan-buuxdana ku siin-doonaan Guddiga hir-gelinta shirka si xal waara loo gaaro, looguna diyaar garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Balanbal iyo Caabuud-waaq, waxaana qorshohoodu yahay in ay maraan dhammaan deegaannada Galmudug si ay bulshada ula wadaagaan casuumaadda gogosha dib-u-heshiisiineed.

Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa Dhuusamareeb ka furmaya August 05/2019, waxaana si wayn u socda diyaar garowga bulshada Galmudug ay ugu jirto ka qayb galka gogoshaas muhiimka u ah dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Previous Post

Wasiirka waxbarashada oo furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaranka+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In