Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee dhawaan ay magacaawday waraaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta oo socdaal ku maraya deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta waxa ay gaareen deegaanka Huurshe.

Hoggaamiyaasha Culumaa’udiinka iyo Bulshada Deegaanka Huurshe ayaa si diiran u soo dhaweeyey xubnaha guddiga oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

Related posts

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026

Guddiga ayaa reer Huurshe uga mahad celiyey soo dhaweynta diiran iyo marti-gelinta weyn, waxa uuna u bandhigay qorshaha iyo Casuumaadda shir-weynaha dib-u heshiisiinta Galmudug ee gogoshiisu ka fidsantahay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb.

Culimada, Madaxda Dhaqanka iyo Bulshada Huurshe ayaa balanqaaday in ay kasoo qeyb gelayaan shir-waynaha, gacan-buuxdana ku siin-doonaan Guddiga hir-gelinta shirka si xal waara loo gaaro, looguna diyaar garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Balanbal iyo Caabuud-waaq, waxaana qorshohoodu yahay in ay maraan dhammaan deegaannada Galmudug si ay bulshada ula wadaagaan casuumaadda gogosha dib-u-heshiisiineed.

Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa Dhuusamareeb ka furmaya August 05/2019, waxaana si wayn u socda diyaar garowga bulshada Galmudug ay ugu jirto ka qayb galka gogoshaas muhiimka u ah dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Previous Post

Wasiirka waxbarashada oo furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaranka+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Musharrax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS ayaa ka codeeyay magaalada...

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabweynaha deegaannada Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha...

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In