Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

{Daawo Sawirro} Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb Galay kulan lagu dhiiro galinayay Waxbarashada

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta ka qeyb galay kulankaan ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Mudane C/raxmaan Cali Diiriye Isxal, xildhibaano, Kormeeraha Waxbarashada Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee Gobolka Mudug Sahal Nuure Guddoomiyaasha Deegaanada Sadex-Higlo, Bandiiradleey iyo Madax ka socotay Haayado dhanka waxbarashada taageera.

Kulanka ama Munaasabadda ayaa ka dhacay Deegaanka Sadex-higlo ee Gobolka Mudug waxayna masuuliyiintu Sagootin u sameeyeen 9 Arday oo markii ugu horeysay ka qalin badashay Dugsiga hoose dhexe iyo Sare ee Deegaanka Sadex-higlo kuwaasoo Waxbarasho u aadaya Jaamacadaha Dalka iyo dibada kuwaasoo qeyb ka ahaa Ardaydii sanadkaan galay Imtixaanaadkii Dalka kaasoo ay qaadaysay Wasaaradda Waxbarashada Qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Waalidiinta dhalay Ardaydaan kuwaasoo u mahad celiyay Wasaaradda Waxbarashada Federaalka Soomaaliya iyo cidkasta oo gacan ka geysatay in Caruurtoodu soo gaaraan Halkaan.

Masuuliyiintii ka qeyb gashay kulankaan ayaa sheegtay inay muhiim tahay in kor loo qaado waxbarashada Gobolka Mudug loona baahan yahay in Waalidiinta Deegaanka Sadex-higlo hormuud u noqdaan.

Guddoomiyaha Gobolka C/raxmaan Cali Diiriye ayaa kula dardaarmay in Bulshada ku nool deegaanada Galmudug gaar ahaan Gobolka Mudug ay doorweyn ka qaataan kor uqaadista Waxbarashada si ay kaga soo baxaan arday la jaan qaadi kara Imtixaanaadka Qaran ee Sanad kasta qaado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

waa Dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Dugsiga Sadex-higlo Primary and Secondary in kastoo hoos u dhac xoogan ka jiro Arrimaha Waxbarasho ee Gobolka Mudug kaas oo saamayn ku yeeshay Caruurta ku nool deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Previous Post

“Daawo Sawirro”Maxaabiis Maanta lagu wareejiyay Galmudug soona gaaray Gaalkacyo”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Amniga Magaalada Dhuusamareeb”Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Amniga Magaalada Dhuusamareeb”Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Amniga Magaalada Dhuusamareeb”Sawirro”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In