Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

“Daawo Sawirro”Maxaabiis Maanta lagu wareejiyay Galmudug soona gaaray Gaalkacyo”

caqiil by caqiil
October 28, 2021
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Soomaliland ayaa Maxaabiis Maanta ku wareejiyay Dowlad goboleedka Galmudug kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyada Soomaliland.

19 ka mid ah dhalinyaro ka soo jeeda deeganada Galmudug horayna loogu eedeyay iney ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeeda soomaliya ayaa maanta laga daayay xabsi ku yaalla Maaglada Hargeysa.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Madaxweyanaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan u cafis u fidiyay dhalinyaradasi oo horay ugu xirnaa Shiishalis waxaana Saaka Munaasabad kooban oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa  lagu soo wareejiyay odayaal iyo waxgarad Galmudug ka tirsan saakay tagay Hargeisa.

Diyaaradda soo qaaday Maxaabiistaan ayaa Magaalada Muqdisho ka kireeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Xaaf waxayna Galinkii dambe ee Maanta kasoo Dageen Garoonka Oshaca ee Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Gaalkacyo ayaa kusoo dhaweeyay halkaasi waxayna kaga mahad celiyeen Maamulka Soomaliland sida Xushmadda leh ee ay ugu wareejiyeen.

Dhalintaan ayaa mudo ka dib la midoobaya qoysaskooda iyo dhamaan qaranka Soomaaliyeed Madaxweynaha talada kasii degaya ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa waqti ku bixiyay in dhalintaan helaan xoriyadooda dhanka kale Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku guulaysatay inay soo dayso dhalinyaro Soomaaliyeed ee ku xirnaa Wadamada Caalamka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dawo Gaarsiiyay Isbitaalka Guud Ee Magaalada Dhuusamareeb.

Next Post

{Daawo Sawirro} Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb Galay kulan lagu dhiiro galinayay Waxbarashada

Next Post
{Daawo Sawirro} Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb Galay kulan lagu dhiiro galinayay Waxbarashada

{Daawo Sawirro} Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb Galay kulan lagu dhiiro galinayay Waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In