Tuesday, April 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hindiya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee DFS u magacowday dalkasi+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hindiya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee DFS u magacowday dalkasi+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Marwoo Faadumo C/llahi Maxamuud (insaaniya)ayaa gudbisay warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo,iyadoo munasabad looga guddoomayay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalkaasi Hindiya.

Munaasabadda oo si heer sara ah loo soo agaasimay waxaa safiirka ku wehlinayay diblomasiyiin ka tirsan safaaradda oo uu ugu horeyo lataliyaha kowaad ee safaaradda Axmed Maxamuud Maxamed(Axmed xiish) iyo xubno kale oo ka tirsan safaaradda.
Marka ay gaareen aqalka madaxtooyada Dalkaasi Hindiya looga arrimiyo waxaa halkaasi ay ku mareen hannaanka habmaamuuseed oo ay maraan safiirada gudbinaya aqoonsiyada.

Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee dfalkaasi Hindiya Faadumo C/llaahi Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeelatay madaxweynaha dalka Hindiya Mr Ram Nath Kovind,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee Soomaliya iyo Hindiya,iyo sidii wadashaqeyn dhow ay u dhexmari lahayd safiirka cusub iyo madaxda dalkaasi Hindiya.

Safiirka ayaa u faah faahisay madaxweynaha dalka Hindiya,xaaladaha Soomaaliya,horumarada lagu talaabsaday iyo muhiimadda ay leedahay in labada dal Hindiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan ilaqaadka diplimaasiyadeed ee labada dhinaca.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha dalkaasi Hindiya Ram Nath Kovind ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud(Insaaniya) oo ay u gudbisay warqadeheeda madaxtooyada Qaranka dalkaasi Hindiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaysatay dib u soo celinta xiriirkii diplomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeyay dowladdo badan oo dunida kamid ah,dalka Hindiyana wuxuu kamid yahay wadamada xiriirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya,marka loo fiiriyo wadamada dhaca Qaaradda Assia,waxaana jira wadamo badan oo kale.

Previous Post

Boliiska Kenya oo dilay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

Next Post

Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay taliyaha AMISOM oo gaaray Dhuusa-mareeb

Next Post
Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay taliyaha AMISOM oo gaaray Dhuusa-mareeb

Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay taliyaha AMISOM oo gaaray Dhuusa-mareeb

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha...

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Galbarwaaqo ee gobolka Mudug, oo ka...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

April 28, 2026
0

Muqdisho, Abriil 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

April 27, 2026
0

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan kordhinta muddada kama-dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska musharaxiinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In