Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo motooro guddoonsiiyay qaar ka mid ah beeraleyda Beledweyne “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo motooro guddoonsiiyay qaar ka mid ah beeraleyda Beledweyne “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxadweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Guddoonsiiyay matooro loogu talo galay in lagu horumariyo beeraleyda Hirshabelle, waxaana Maamulka ka gacansiiyay Hey’adda ARC kaddib munaasabad ka dhacday hoolka shirarka magaalada Beledweyne, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabebelle, Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo iyo qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Hiiraan.

Mudane Maxamed Cabdi Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimada ka faa’ideysiga wax soo saarka beeraha Hirshabelle, isagoo xusay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay qorshaha lagu horumarinayo beeraleyda ku nool deegaannada Hirshabelle.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026

“Barnaamijkani runti waxa uu qeyb ka yahay mashaariicda lagu xoojinayo adkeysiga beeraleyda ay u adkeystaan abaarooyinka, fatahaadaha si ay u soo saartaan wax soo saarka, gaar ahaan wax soo saarka la iib geeyo ay qudaartu ugu badantahay, runtii barnaamijkani waxa uu horseed u yahay barnaamij weyn oo u jeedadiisu ay tahay in nolosha beeraleyda Hirshabelle wax looga bedelo qeyb ka mid ah, barnaamijyadaas waxaa maalgalinayo deeq beexiyayaal kale duwan, qeybta ugu weyn waa qeybta lagula tacaalayo ee ka hortagayo fatahaadaha ee mar walba soo noqdo” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa u mahaceliyay hey’ada ka gacan siisay maamulka qalabkani oo muhiimad gaar ah ugu fadhiyo beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan beeraleyda Hirshabelle, waxaana uu xusay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso kor u qaadida xirfadda iyo aqoonta beeraleyda ayna ku howlanyihiin in laga faa’ideysto wax soo saarka dalagyada beeraha.

Maamulka hirshabelle ayaa qorsheeyay 1,535 matooro in looga faa’ideeyo beeraleyda Hirshabelle, iyadoo beeraleyda magaalada Jowhar horey loo guddoonsiiyay matooro sidaan oo kale, waxaana maanta Madaxweynaha Hirshabeelle uu gacantiisa ku Guddoonsiiyay 375 ka mid ah beeraleyda magaalada Beledweyne iyo deegaannada hoosyimaada.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magaalada Beydhabo Ku Booqday Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Ku Jira “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO: Wasiirka Warfaafinta oo hay’adaha gaarka loo leeyahay uga digay inay borobogaan u sameeyaan argagixisada

Next Post
DAAWO: Wasiirka Warfaafinta oo hay’adaha gaarka loo leeyahay uga digay inay borobogaan u sameeyaan argagixisada

DAAWO: Wasiirka Warfaafinta oo hay'adaha gaarka loo leeyahay uga digay inay borobogaan u sameeyaan argagixisada

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

July 14, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, paid a condolence visit to the Embassy of the State...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In