Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo ay caawa ka dhacayso munaasabad lagu soo afmeerayo shirkii dib u heshiisiinta Galmudug oo guul ku dhammaaday.