Gudoomiyaha degmada Warshiiq ee gobalka Shabeelaha dhexe Xasan Maxamed Axmed oo la-hadley Radio Muqdisho ayaa faahfaahiyey shaqooyin kala duwan oo degmadaas ka socda.
Waxaa uu sheegey in uu komeer shaqo ku tagey qeybo badan oo degmada ah waxana uu tilmaamay in ugu horeyn ay booqdeen Cisbitaalka guud ee degmada kaas oo dhismahiisa iska kaashadeen Jaaliyadada ka soo jeeda deegaanka iyo shacabka degmada Warsheekh.
Waxaa uu intaas ku daray inay booqdeen qaybaha kala duwan ee Isbitalka iyagoona Maamulka iyo Shaqalahaba ku amaanay sida hufan ee dadka ugu adeegayaan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo waxaa uu sheegay in kormeerkiisa ay ku wehlinyaeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka oo dhankoodaย boogaadiyey dadaalka Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka wadaab.
Gudoomiyaha degmada Warshiikh Xasan Maxamed Axmed sheegay in fadhiyada ugu horeeya ee golaha uu yeelan doono looga hadli doono baahiyaha Caafimaad ee ka jira degmada.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha degmada Warshiiq Xasan Maxamed Axmed ย ayaa sido kale ย sheegey inuu kormeer ku sameeyey Maxkamada degmada iyo xarumaha ciidanka degmada, dhamaan xarumahaas waxaa ka socda howlo aad u wanagsan.
Degmada Warshiiq ayaa kamid ah degmooyinka ugu Ammaanka badan degmooyinka gobobolka Shabeelaha dhexe halkaas waxaa ka howgala Ciidanka Xoogga dalka.