Thursday, June 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shir gaar ah oo Qamada Midoobey u qorshaysay Soomaaliya “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shir gaar ah oo Qamada Midoobey u qorshaysay Soomaaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna.

“Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee dalka, iyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga hadlay tayeynta, diiwaan gelinta iyo guulaha Ciidamada Qalabka sida ay ka gaareen argagixisada Alshabaab, iyaga oo xoreeyey deeganno muhiim ah, wakhtiganna ay sii wadaan howlgallada ballaaran ee xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa habeen dambe khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay dhigiisa Mareykanka Trump

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo kullan la-yeeshay Xoghayaha Qaramada Midoobe Guterres

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo kullan la-yeeshay Xoghayaha Qaramada Midoobe Guterres

Madaxweyne Farmaajo oo kullan la-yeeshay Xoghayaha Qaramada Midoobe Guterres

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In