Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shir gaar ah oo Qamada Midoobey u qorshaysay Soomaaliya “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
September 26, 2019
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shir gaar ah oo Qamada Midoobey u qorshaysay Soomaaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna.

“Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee dalka, iyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga hadlay tayeynta, diiwaan gelinta iyo guulaha Ciidamada Qalabka sida ay ka gaareen argagixisada Alshabaab, iyaga oo xoreeyey deeganno muhiim ah, wakhtiganna ay sii wadaan howlgallada ballaaran ee xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa habeen dambe khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay dhigiisa Mareykanka Trump

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo kullan la-yeeshay Xoghayaha Qaramada Midoobe Guterres

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo kullan la-yeeshay Xoghayaha Qaramada Midoobe Guterres

Madaxweyne Farmaajo oo kullan la-yeeshay Xoghayaha Qaramada Midoobe Guterres

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In