Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.
Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...












