Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshadda Xeraale iyo Huurshe oo Heshiis rasmi gaaray “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Bulshadda Xeraale iyo Huurshe oo Heshiis rasmi gaaray “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howl-wadeenno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud uga qayb galay saxiixa heshiis lagu adkeynayo amniga oo qayb ka ah qorshaha dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee magaalada Dhuusamareeb ay ku kala saxiixdeen bulshada ku nool Xeraale iyo Huurshe.

La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, ahna xariiriyaha tubta siyaasadda loo dhanyahay, Prof. Yaxye Cali Hareeri, ayaa munaasabadda ka aqriyay heshiiska oo ka kooban 10 qodob, ayna saxiixeen guddigii loo xil saaaray dhammeystirka heshiiska nabadda ee reer Xeraale iyo reer Huurshe.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Dhammaan dhinacyadii munaasabadda saxiixa xeerka ka hadlay oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin heshiiska la gaaray, ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay geeddi socodkii guulestay ee nabadda bulshada deegaannada Xeraale iyo Huurshe.

Xildhibaan Zakariye Xasan Gaashaan oo kamid mudanayaasha deegaan doorashadoodu tahay Xeraale oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay wadajir uga qayb qaataan ilaalinta heshiiska maanta la saxiixay, si horumar loo gaaro, looga baaqsado dib-u-dhac soo gaara bulshada iyo deegaanka.

Dadaallo nabadeed oo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre soo billaabay dhammaadkii bishii June ee sannadkaan ayaa bishaan horraanteedii guul ku soo dhamaaday, waxaana magaalada Dhuusamareeb lagu saxiixay heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyay sannaddo colaad dhiig badan ku daatay uu u dhexeeyay bulshada ku nool Xeraale iyo Huurshe, arrintaas oo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ay wadajir usoo dhaweeyeen.

Previous Post

Madaxweynaha Bangiga Adduunka hanaanka maaliyadeed ee dalka isaga oo lakulmay Madaxweyne Farmaajo “Sawirro”

Next Post

Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran ee Caasimadda+Sawirro

Next Post
Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran ee Caasimadda+Sawirro

Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran ee Caasimadda+Sawirro

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In