Wafdi uu hugaaminaayo Guddomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibrahim Adan Ali Najax ayaa maanta soo gaarey magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay.
Guddomiyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelineya guddomiyaasha degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose,
Waxana garoonka diyaaradaha Baydhabo wafdiga kusoo dhaweyay Masโuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka KG,
Bulshada raโidka ,fanaaninta Jinowkey, Iyo Masโuliyiinta kale.
Soodhaweyn ka dib Waxaa loo soo galbiyay qeybta Nasashada Ee garoonka diyaaradaha Shaati gaduud ,halkaasi oo ay warbaahinta kula hadleen .
Abdirasaaq yare Maxamed lataliye sare wasaradda Arimaha gudaha Dowladaha hoose iyo dib uheshiisiyiinta KGS ayaa wafdiga Baydhabo ku soo dhaweyay.
Guddomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali Najax ayaa ugu horeen Umahadceliyay Bulshadii iyo Masโuliyiintii Kala duwaneed ay soo dhaweysay,wuxuuna dhanka kale ka hadley ujeedada ay Baydhabo usoo gaaren.
Kullan Wadatashi ay soo qaban qaabisey wasaradda arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka KGS oo looga hadli doono Xalladaha Deeganada KG oo ay ka soo qeyb gali doonan Dhammaan maamulada Degmooyinka KGS ayaa dhawaan ka furmi doona Magaalada Baydhabo.