Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenka oo ku dhawaaqday soo saarista billowga diyaarinta sharciga Qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 13, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Haweenka oo ku dhawaaqday soo saarista billowga diyaarinta sharciga Qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha, Marwo ; Deeqa Yaasiin ayaa Maanta oo Axad ah ku dhowaaqday soo saarista billowga diyaarinta sharciga Qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya.

War-murtiyeed kasoo baxay munaasabad lagu shaacinayo geeddi-socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka Qaran ee naafada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu sharcigani si buuxda ula jaan-qaadi doono ballanqaadyadii ku xusnaa heshiiska Qaramada Midoobay ee Dadka naafada ah (CRPD).

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Wasiir Deeqa, ayaa sheegtay in ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda Dadka naafada ahi uu fure u yahay sugidda iyo dedaallada loogu jiro kor u qaadidda xuquuqda Dadka baahiyaha gaarka ah qabo.

“Ballanqaadyadeenna ah inaan horumarino oo aan ilaalinno xuquuqda Dadka naafada ah waa mid aan kala go’ lahayn, Maanta waxaan billaabeynaa Cutub cusub oo ku saabsan xuquuqda Dadka naafada ah”,ayay tiri Wasiiraddu.

Marwo; Deeqa ayaa sheegtay in Dadka naafada ahi ay si buuxda uga qeyb qaadan doonaan lagana tala gelin doono geeddi socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka si loo hubiyo lahaanshahooda buuxa iyo ixtiraamka mabaadii’da aasaasiga ah.

Diyaarinta hindise-sharciyeedka Qaran ee naafada Soomaaliya ayaa imanaysa xilli ay Soomaaliya ku guda-jirto dhaqan gelinta axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda Dadka naafada ah.

Soomaaliya waxaa ay axdigan saxiixday 2-dii Octoobar 2018-kii Baarlamaanka ayaa meelmariyay 18-kii May 2019-ka,  iyadoo uu Madaxweynahuna oggolaaday 21 Juun 2019.

Previous Post

Muxuu ahaa Ajendaha kulankii maanta ee gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka?

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In