Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye ) ayaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon oo shalay soo gaaray caasimadda dalka.

Wafdiga wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo uu wehliyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalkeena iyo masuuliyiin kale ayaa qayb qeyb u booqday waaxyaha Warbaahinta Qaranka oo ay ku jiraan TV ga, Radio Muqdisho iyo Keydka Radiyaha oo xasuus gaar ah uleh dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti halkaas oo ay masuuliyiintu intii ay booqanayeen Keydka dhageysteen heeso iyo gabayo ay qaden fanaaniin Soomaaliyeed kuwaas oo lagu dhiiri galinayay gobanima doonkii Jabuuti oo ay Soomaaliya hormuud ka aheed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026

Masuuliyiinta wasaaradda oo uu hormuud u yahay Wasiirka Wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka Maxamed Cabdi Xayir ayaa wafdiga Jabuuti warbixin ka siiyay shaqooyinka wasaaradda ay u hayso Qaranka iyo qaabka ay u shaqeyso.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta  Jabuuti mudane Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon ayaa uga mahad celiyay madaxda wasaaradda soo dhaweyntooda.

Intaa ka dib wasiir Maareeye ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdigii ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay ka wada hadleen sidii dowladda Jabuuti gacan uga geysan lahayd tayeynta iyo xoojinta warbaahinta Qaranka.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo lakulmay koox ka socotay Bangiga Adduunka “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda Waxbarashadda XFD oo ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay u dajisay Bareyaasha dalka

Next Post
Wasaaradda Waxbarashadda XFD oo ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay u dajisay Bareyaasha dalka

Wasaaradda Waxbarashadda XFD oo ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay u dajisay Bareyaasha dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare...

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si faahfaahsan u sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In