Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Tirakoobka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Tirakoobka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 5-aad ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka ka hadlay uu sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha ay guddoonka usoo gudbiyeen soo jeedin la rabay in kulanka maanta ee golaha loogaga  doodo, kaasoo ku saabsan soo xaadirista Xildhibaannada ee kulamada golaha, sidaa daraadeedna maadaamaa golaha kalfadhigan ay hor yaalaan howlo fara badan ajendahaas dib loo dhigay fadhiga kan xigana looga doodi doono haduu Alla idmo.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa golaha hor keenay Akhrinta labaad ee wax ka badalka sharciga Iibka Qaranka, waxaana golaha ka hor jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta 1-aad ee heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanadda Maalgashiga darafyada badan oo ay Wasaaraddiisu soo diyaarisay.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa su’aalo ku saabsan heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanadda Maalgashiga darafyada badan weydiiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulanka joogay.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa golaha hor geeyay Warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Degmada Berdaale ee Gobolka Baay oo ay ku rogmadeen daadad xoog leh oo ka dhashay roobab deegaanadaasi ka da’ay iyo qasaaraha ay geysteen, isagoo ku baaqay in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dad saaka ay dooni kula qalibantay magaaladda Baladweyne, waxana uu sheegay in goluhu guddi u magacaabayo dhibaatooyinka fatahaada wabiga iyo daadadkaba ka geysteen deegaanadda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyay Sharciga Istaatiskikada ama Tirakoobka Qaranka, waxaana markii cod la geliyay kaddib codka Haa ku ogolaatay 137-Xildhibaan seddax ayaa ka aamustay mana jirin tira diiday, waxaana sidaasi sheegay Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulanka soo xiray.

Ibraahim Guudle SNTV-Golaha Shacabka.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Ergayga Gaarka Ee Qaramada Midoobay u Qaabishan Caruurta iyo Xasarada Hubeysan “SAWIRRO”

Next Post

Duqeyn lagu burburiyey Baabuur ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo

Next Post
Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Duqeyn lagu burburiyey Baabuur ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In