Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Tirakoobka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 28, 2019
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Tirakoobka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 5-aad ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka ka hadlay uu sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha ay guddoonka usoo gudbiyeen soo jeedin la rabay in kulanka maanta ee golaha loogaga  doodo, kaasoo ku saabsan soo xaadirista Xildhibaannada ee kulamada golaha, sidaa daraadeedna maadaamaa golaha kalfadhigan ay hor yaalaan howlo fara badan ajendahaas dib loo dhigay fadhiga kan xigana looga doodi doono haduu Alla idmo.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa golaha hor keenay Akhrinta labaad ee wax ka badalka sharciga Iibka Qaranka, waxaana golaha ka hor jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta 1-aad ee heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanadda Maalgashiga darafyada badan oo ay Wasaaraddiisu soo diyaarisay.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa su’aalo ku saabsan heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanadda Maalgashiga darafyada badan weydiiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulanka joogay.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa golaha hor geeyay Warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Degmada Berdaale ee Gobolka Baay oo ay ku rogmadeen daadad xoog leh oo ka dhashay roobab deegaanadaasi ka da’ay iyo qasaaraha ay geysteen, isagoo ku baaqay in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dad saaka ay dooni kula qalibantay magaaladda Baladweyne, waxana uu sheegay in goluhu guddi u magacaabayo dhibaatooyinka fatahaada wabiga iyo daadadkaba ka geysteen deegaanadda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyay Sharciga Istaatiskikada ama Tirakoobka Qaranka, waxaana markii cod la geliyay kaddib codka Haa ku ogolaatay 137-Xildhibaan seddax ayaa ka aamustay mana jirin tira diiday, waxaana sidaasi sheegay Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulanka soo xiray.

Ibraahim Guudle SNTV-Golaha Shacabka.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Ergayga Gaarka Ee Qaramada Midoobay u Qaabishan Caruurta iyo Xasarada Hubeysan “SAWIRRO”

Next Post

Duqeyn lagu burburiyey Baabuur ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo

Next Post
Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Duqeyn lagu burburiyey Baabuur ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In