Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqeyn lagu burburiyey Baabuur ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 28, 2019
in Wararka
0
Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammada difaaca Soomaaliya iyo saaxiibbadooda Caalamka ayaa duqeyn ku burburiyey Baabuur ay Al-Shabaab ku soo diyaariyeen qaraxyo ay la damacsanaayeen Caasimadda Dalka.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday Habeennimadii Axadda, waxaana laga geystay Xaafado ku yaalla Degmooyinka Saakoow iyo Bu’aale oo ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Duqeynta ayaa sidoo kale lagu burburiyey Laba xarumood oo mid ka mid ah qaraxyada lagu farsameynayey halka xarunta kalena lagu tababari jiray malleeshiyada Al-Shabaab.

Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in ay maqleen dhawaqa illaa 7 Gentaal iyo Rasaas lala bartilmaameedsanayay goobahaas, iyadoo sidoo kalena Degmada Bu’aale laga arkayay holaca iyo Uurada xarumahaasi.

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in Al-Shabaab khasaaraha gaaray uu ballaaran yahay, ayna jirto dhimasho iyo dhaawac daran oo soo gaaray xubno ka mid ah Argagixisadu.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Tirakoobka Qaranka

Next Post

AMISOM and security partners committed to end the use of Improvised Explosive Devices in Somalia

Next Post
AMISOM and security partners committed to end the use of Improvised Explosive Devices in Somalia

AMISOM and security partners committed to end the use of Improvised Explosive Devices in Somalia

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In