Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 6aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa, Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka(Batroolka) iyo Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Dowladda.
Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Mowlid Xuseen Guhaad.
Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa marsiiyay Golaha Aqalka Sare Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka).
Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa maanta si rasmi ugu gudbiyay Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka) guddiga Kheeyraadka Qaranka, kaabayaasha dhaqaalha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si waafaqsan qodobka 45aad ee farqadiisa (1aad) ee xeer-hosadka Aqalka Sare.
Ajandaha 2aad ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Dowladda.
Kulankaย waxaa soo xaadiray 32 Senator, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Dowlada.
Ugu danbeeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada codeeynta, isagoo shegay in 20 Senator ay Haa ogaalatay halka 10 diiday waxaana ka aamusay hal Senator.