Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Musiibadii ka dhalatay Fatahaada Webiga Shabeelle.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Xoogga dalka oo qasaare Xoogan gaarsiiyay Maleeshiyaadka Al-shabaab.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

July 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka digtay hurinta colaadaha

July 18, 2026

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Puntland iyo kan Shacabka Puntland wuxuu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday waxyeelada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle, wuxuuna illaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa geeyo, eheladoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

Puntland iyo Shacabkeedaba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana la garab taaganahay taageero iyo gurmad ay waajib tahay inaan bixinno.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ugu baaqay cidkastoo gacan ka geysan karta in la sameeyo waxkasta oo suuragal ah si dadkaasi ay u helaan caawimaad bani’aadanimo oo deg deg ah. Waxaa sidoo kale lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaateysan fatahaadaha “SAWIRRO”

Next Post

Shirka Madasha Arimaha Bini’aadanimo oo ka furmay Muqdisho.

Next Post
Shirka  Madasha Arimaha Bini’aadanimo oo ka furmay Muqdisho.

Shirka Madasha Arimaha Bini’aadanimo oo ka furmay Muqdisho.

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

July 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka digtay hurinta colaadaha

July 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladaha la xiriira falalka hurinta colaadaha,...

Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

July 18, 2026
0

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb si weyn loogu soo dhaweeyay musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan...

Danjiraha cusub Brazil ee Soomaaliya oo laga guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirenino

Danjiraha cusub Brazil ee Soomaaliya oo laga guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirenino

July 18, 2026
0

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdisalaam, ayaa maanta ka guddoomay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In