Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim oo dalka soo gaaray maanta, xarigana ka jaray xafiiska cusub ee Bangiga adduunka oo Muqdisho laga furay.
Kulanka oo ay ka qayb gashay agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu ayaa looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha deyn cafinta dalka, barta go’aanka ee Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Shirka kadib Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka ayaa si wadajir ah uga war bixiyay kulanka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Xafiz Ghanim ayaa kulanka ka caddeeyay inuu ku farxsanyahay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso sida bangiga aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay iyo hagaajinta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaalaha dalka, waxuuna madaxda dowladda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada loogu jiro gaarista barta go’aanka ee Febaraayo.

Xafiz Ghanim ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay kadib waxa uu xafiiska madaxweynaha si wadajir ah ugula shiray madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha oo bogaadiyey dadaalka xukumadda ee dayn cafinta iyo horumarinta hannaanka maamulka maaliyada, ayaa bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan gelisay qorshaha deyn cafinta, ayaa ku guuleysatay in buuxda looga soo baxo dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah lasoo gaarsiiyo SMP4.

     

Previous Post

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga oo ku baaqaay in Soomaaliya la caawiyo

Next Post

200 oo qoys oo ka faa’iideystay wejiga koobaad ee Gurmadka ciidamada qalabka sida u fidinayaan shacabka Baladweyn+Sawirro

Next Post
200 oo qoys oo ka faa’iideystay wejiga koobaad ee Gurmadka ciidamada qalabka sida u fidinayaan shacabka Baladweyn+Sawirro

200 oo qoys oo ka faa'iideystay wejiga koobaad ee Gurmadka ciidamada qalabka sida u fidinayaan shacabka Baladweyn+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In