Ciidamada ammaanka ayaa xalay waxaa ay howlgal dad badan lagu soo qabqabtay ka sameeyeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Bam lagu tuuray guriga uu daganaa Gudoomiye ku xigeenkii dhanka arrimaha Bulshada ee gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey” dhaawac kasoo garaay Bamkaas ayuuna u geeriyooday.
Ciidamada ayaa howlgalkoodu waxaa uu ahaa mid qorsheysan, waxaana ay soo qabteen dad ku dhow 50 ruux oo dhalinyaro u badan, kuwaas oo la geeyey saldhiga Booliska Afgooye.
Dhalinyaradda ciidanku soo qabteen ayaa looga shakisan yahay inay xiriir laleeyihiin Maleeshiyaad Al Shabaab baritaan ayaana ku socda.
Saraakiisha ciidanka Booliska ee degmada Afgooye ayaa sheegay in dadka ay qabteen qaarkood ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin Argagaxisada Al-Shabaab.